WAR DEG DEG:- Farmaajo oo si rasmi ah xilka ula wareegay

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub ee 8-dii Bishan lagu doortay Magaalada Muqdisho Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Xaflad ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub oo tan iyo markii la doortay ku shaqeynaayay Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Xildhibaano iyo Wasiiro uu waqtigooda mar hore uu dhamaaday ayaa ka qeyb galay Xaflad xil wareejinta Madaxweynaha Soomaaliya.

22-ka Bishan ayaa si rasmi ah loogu wadaa in Madaxweynaha cusub loo caleemo saaro xilka loo doortay, waxaana ka socota Magaalada Muqdisho qaban qaabada Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Somaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay wuxuui Villa Somaliya tagay labo mar, halkaasi oo kulamo uu kula qaatay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ee maanta ka huleelay Xafiiska shaqada.