TOP DHAGEYSO:- Mooshin ka dhan Shariif Xasan oo Muqdisho ka soconaya iyo Xildhibaano eedeyn u ……

0

Weli waxaa Magaalada Muqdisho ka soconaya Mooshin ay wadaan qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo ay ku doonayaan in ay xilka kaga daadejiyaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mooshinkan ayaa isa soo taraya wararkiisa iyadoo la sheegayo tirada xildhibaanada ee hada wada in ay gaarayaan 100 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ay sheegeen in Shariif Xasan uu yahay Hoggaan fashilmay.

Dhowaan ayaa war ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed waxaa lagu sheegay in lagu guuleystay in ay ka laabtaan xildhibaanada qaar ee waday Mooshinka, laakiin Mudanayaal kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed qaarkoodna ah Wasiiro ayaa sheegaya in ay sii wadayaan Mooshinka.

Waxa ay sheegeen Mooshinka in uu sii socon doono loona gudbin doono Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ilaa Shariif Xasan uu xilka ka dagayo, sida uu Warbaahinta u sheegay Macalin Barre oo ah Wasiirka Diinta ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha ku dhow dhow Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen inaanay waxba ka jirin Mooshinkaas, sidoo kalena uu yahay mid sharci daro ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO