DAAWO:- Codsi Taariikhi ah oo la Hordhigay Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiir ka duwan kuwa hada oo laga codsaday

0

Dadka naafada ka ah araga ayaa fariin udiray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo maanta xilkii kala wareegay Xasan Sh Maxamuud.

Koox dhalinyaro ah isla markaana sameystay ururka indhoolayaasha ayaa booqday mid kamid ah Tv-yada Muqdisho iyagoo usheegay madaxweyne Farmaajo sida ay utaageersan yihiin.

 

Ururkan oo isugu jira rag iyo dumar ayay madaxweynaha cusub ugu baaqeen in dowladiisa cusub uu kusoo daro wasiir ka shaqeeya arimaha dadka naafada ah gaar ahaan kuwa aanan waxba arag.

Madaxweynaha Soomaaliya oo heysta taageerada shacabka ayaa haatan isha ku haya inuu ka dhabeeyo balanqaadkii ahaa inuu bulshada Soomaaliyeed wax walba uqabanayo.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=jGHAJ0RSY_g