Kooxo taageersan Kooxda Daacish oo dagaal culus dhexmaray

0

Dagaalyahanno ka kala tirsan kooxaha Jihaaddoonka ah ee ku sugan Suuriya ayaa dagaal culus uu ku dhexmaray Idlib, sida wararka halkaasi laga helayo ay sheegayaan.

Dagaalka wuxuu u dhexeeyaa koox la baxday Taxriir Al-Shaam iyo Junda Al-Aqsa.

Labada kooxood ayaa xiriir la kala leh Al-Qacidda iyo ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Kooxda kor kala socota xaaladda Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in dagaalka uu ku saleysan yahay awoodda gobolka Idlib.

Kala qeybsanaanta kooxaha Islaamiyiinta ee Suuriya ayaa soo billaabatay xilligii uu dagaalka Sokeeye uu ka qarxay dalkaas.

Bishii tagtay, kooxda mayilka adag ee Axraar Al-Shaam ayaa dagaal culus kula gashay Idlib ururka Jabhatu Fatxul-Shaam, taas oo hadda loo yaqaano Taxriir Al-Shaam.

Ku dhowaad 70 qof ayey isaga dileen dagaalka oo bilowday subixii Isniinta, sida ay sheegtay kooxda xaaladda Suuriya kor kala socota ee SOHR.