DHAGEYSO:- Faah faahino ka soo baxaya Dab Xoogan oo Xalay ka kacay Suuq ku yaalla Muqdisho

0

Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka kacay xaafadda Buulo Xuubey, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dabkaan ayaa la sheegay inuu ka kacay xarun ganacsi oo halkaasi ku taallay, iyadoo goobta dhowr dukaan ay ku basbeeleen.

Lama oga khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkaan kacay, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in dabka uu ka dhashay koronto halkaasi ku jirtey.

Dadka shacabka ah oo dedaal badan bixiyey ayaa ku guuleystay iney damiyaan dabkan, iyadoo weli arrintan aanay ka hadal ganacsatadii dukaamadaasi lahaa iyo sidoo kale maamulka degmada Wadajir.

Hoos ka Dhageyso Codka:-