DHAGEYSO WAREYSI XIISO BADAN:- Hanti Dhowrka Qaranka “Miisaaniyadda ay Wasiirrada meel mariyeen waa sharci darro”..

0

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur  Faarax Jimcaale ayaa sharci darro ku tilmaamay miisaaniyadda ay meel mariyeen shalay gelinkii dambe golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Miisaaniyadda loo diiday in ay isaga soo marto sidoo kalena habka dakhli ururinta loo gacan geliyay hay’ado aan dowli ahayn ,taas oo uu sheegay in ay dhaawac ku tahay miisaaniyadda Qaranka.

Waxaa  kale oo uu sheegay in mashaariicda lagaha badan ka soo xaroon lahaayeen loo gacan geliyay sharikado gaar loo leeyahay loona sameeyay canshuur dhaaf badan.

Ra’isalwasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay hareer mareen xafiiskiisa.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in Warqad uu soo saaray oo u ku mamnuucay In  Wasiirrada kaga dhoofaan dalka la jeex jeexay islamarkaana  amar diiddo ay sameeyeen qaar ka mid ah golaha Wasiirrada iyo Ra’isalwasaare ku xigeenka dalka.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-