DHAGEYSO:- Taliyaha Ciiddamada Cirka Oo Diray Hampalyada 57-aad Sanad guurada ka soo Wareegatay Aas Aaska Ciiddamadaas

0

Taliyaha ciiddamada Cirka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya s/Guuto Maxamuud Sheekh Cali { Dable Beylood} ayaa Hambalyo ku aadan sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed u diray dhamaan Ciidamada Cirka iyo Taliyaashooda.

Sidoo kale waxa uu Hambalyo u diray Xaasaska iyo Caruurta Ciidanka iyo Saraakiisha Ciidamada Cirka.

Taliyaha ayaa sheegay in 15-ka Fabraayo ay tahay Maalin ku weyn Ciidanka Cirka Soomaaliyeed isla markaana ah maalin muhiim ah sida uu sheegay.

Taliyaha ciiddamada Cirka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya s/Guuto Maxamuud Sheekh Cali { Dable Beylood} ayaa sidoo kale ka warbixiyay Xaalada ay iminka ku sugan yihiin Ciidanka Cirka.

Waxa uu sheegay in Xaalad adag ay ku nool yihiin Ciidamada Cirka isla markaana aysan heysan agabkii loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan.

Maanta oo ay tahay 15-February ayaa loo dabaal dagayaa sanadguurada 57-aad ee aas aaska ciiddamada Cirka waxaana Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Hambalyo u dirayaan Saraakiisha iyo Ciidanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-