DHAGEYSO:- Maxaabiis ku jirta Xabsiga dhexe ee Xamar oo baaq u diray madaxweyne Farmaajo

0

Maxaabiis ka badan kun ayaa ku xiran Xabsiga dhexe ee Muqdisho sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah maxaabiistaan.

Maxaabiistan oo isugu jira Askar iyo xubno lagu soo qabtay howlgallo ay sameeyeen hay’adaha nabad sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in  lagu xukumay Xukunno kala duwan qaarkoodna loo diiday in ay racfaan ka qaataan xukunka ku dhacay.

Waxaa ay codsi u direen Madaxweynah cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu ka siidaayo xabsiga islamarkaana uu wax ka qabto xaaladda ay ku suganyihiin hadda.

Waxaa ay sheegeen in Waaliddiinta ku banaanbaxayay Waddooyinka Muqdisho doorashadii Farmaajo kaddib ay yihiin waaliddiintood,sidaas oo kalena madaxweynaha cusub ay kacodsanayaan in uu u dhego nuglaado baaqooda ku saabsan xaaladda ay hadda ku suganyihiin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-