Wiil Hitler u eg oo lagu xiray Austria

0

Wiil Hitler u eg ayaa lagu xiray Austria isaga oo loo haysto in uu maamuusayo wakhtigii Nazi-ga, sid ay sheegeen saraakiisha deegaankaas.

Wiilkan oo 25 jir ah ayaa lagu soo waramayaa in uu isugu yeeray Harald Hitler.

Wiilkan oo sidii Hitler timaha u shanlaystay, shaarubahana u jartay siddii uu caanka ku ahaa ayaa lagu arkay insaga oo sawirro ku galay gurigii uu Hitler ku dhashay oo ku yaalla magaaalda Braunau am Inn.

Wiilkan Hitler u eg ayaa dhawaan u soo wareegay magaaladan ku taala xadka Jermalka, sida uu BBC-da u sheegay David Furtner oo ah afhayeenka booliiska.

 

Afhayeenka booliiska ayaa sheegay in arrintan aysan kaftan ahayn, oo aysan sidoo kale ahayn farshaxan la soo bandhigayay.

Wuxuu intaas ku daray in wiilka dhallinyarada ah uu si fiican u garanayo falka uu ku kacay Waxaa kale oo uu sheegay in isla wiilkan lagu arkay Vienna iyo Graz.

Sawirrada wiilka ayaa lagu daabacay websiteka Austria laga leeyahay ee Heute.at Maamusidda wakhtigii Nazi-ga ayaa dambi ka ah dalka Austria.