WAR DEG DEG:- Ahlusunna oo Nin ku Toogtay Magaalada Guriceel

0

Maamulka Ahlusunna ayaa Goor dhow Magaalada Guriceel ku Toogtay Maxamed C/llaahi Faarax oo ay ku Eedeeyeen inuu horay u dilay Sargaal ka tirsan Maamulkooda.

Dilka ayaa ka dhacaya Fagaare ku yaalla Magaalada Guriceel ee Gobolka galgaduud.

Ninka Maanta dilka lagu Fuliyay ayaa horay u dilay Marxuun Feysal Yuusuf Goobe.