TOP DHAGEYSO:- Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo Heegan la geliyay iyo Qorshe culus oo shaaca laga qaaday

0

Maxamed Maxamuud Tareedisho Taliyaha Ciidanka qeybta 21-aad ee Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay u diyaar garoobeen Howlgal ka dhan ah Shabaab, kuwaasi oo ku sugan Degaano ku yaalla Goboladaasi.

Waxa uu sheegay Ciidanka Dowladda Federaalka in ay duulaan ku yihiin Degaanada iyo Degmooyinka ay Al-Shabaab ka joogaan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka qeybta 21-aad ee Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Dowladda Federaalka, si Shabaab looga guuleysto.

Al-shabaab ayaa ku sugan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, Waxaana Dowladda Federaalka ay wadaa dadaalo Shabaab looga saarayo Degaanadaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO