WARBIXIN:- Maxay Maamulka Somaliland Ku Qoonsadeen Madaxweyne Farmaajo?

0

Olol-siyaasadeedkii ugu dhamacda kululaa ayaa waxay Siyaasiyiinta Maamulka Somaliland (Muxaafid iyo Mucaarad) si daran-doori ah ugu hayaan Madaxweynaha cusub ee JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isaga wax ka yar hal isbuuc ka hor xilkaasi loo doortay.

Soo-dhaweynta Doorashadda Madaxweyne Farmaajo waxaa hareeyey Hadalladda xanafta leh ee Siyaasiyiinta Somaliland sida mutuxan ugu weerarayaan Madaxweyne Farmaajo, kuna goodiyeen inay iska celinayaan.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” ayaana ugu horreeyey Siyaasiyiinta weerarka dhinaca Afka kaga hortegay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna carrabka ku dhuftay Digniin ku aadan Faragelinta Arrimaha Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa isagana sheegay inay Madaxweyne Farmaajo ku qaabili doonaan waxa uu la yimaado Qadhaadh iyo Macaan, wuxuuna uga digay inuusan la mid noqonin Madaxweynaha aan weli xilka wareejinin, Xasan Sheekh Maxamuud.

Faysal Cali Waraabe oo ah Muwaadin haysta Dhalashadda Finland waxa uu isku lamaaniyey Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii Dowladdii Kacaanka, Marxuum Jaalle Maxamed Siyaad Barre, isagoo sheegay inay Farmaajo la dagaalami doonaan haddii uu raaco waxa uu ugu yeeray Dhabihii uu Adeerkiisa J.lle Siyaad horey u jeexay.

Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqdo hadal Xanaf culus keeni leh, waxayna Aqoonyahannadu rumeysan yihiin inuu ku fududaaday  inuu isku laro Madaxweyne Farmaajo iyo  J.lle Siyaad oo ay isku hayb yihiin.

Marka la eego Sooyaalka Taariikheed ee Madaxweyne Farmaajo wax lug ah kuma lahayn Falalka  Dowladdii Kacaanka lagu eedeeyo, mana ahayn Taliye ka qeyb galay Dagaalkii Ciiddanka Dowladda Kacaanka iyo Maleeshiyaddii Jabhadda SNM ku dhex maray Goballadda W/Galbeed, Togdheer iyo Awdal.

Dowladda Kacaanka waxay xilligaasi ka hor tegaysay Qorshihii SNM ku doonayeen inay kga go’aan Jamhuuriydda Somalia, waxaana la sheegaa inay labada dhinac geysteen Xadgudubyo.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” waxa uu ka mid ahaa Siyaasiyiintii la soo shaqeeyey Dowladdii Kacaanka, isagoo xilal sare soo qabtay.

Inkastoo uusan Madaxweyne Farmaajo weli ka hadlin Eedeymaha Reer Somaliland, haddana waxaa xaqiiqo ah inay Siyaasiyiinta Somaliland ku jiraan Dagaal Diplomaasiydeed dadban oo Ictiraf-doon ah.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Siyaasiyiintaasi ay door bideen inay Warbahinta ka dhex muuqdaan si uu dhawaaqooda u gaaro Beesha Caalamka oo 26-sanno kadib  aan la dhacsnayn Qorshaha Somaliland ee Gooni-isku-taagga.

Dadka Siyaasadda taxliiliya ayaa rumeysan in Ujeeddo Dihan laga leeyahay Eedeymaha Siyaasiyiinta Reer Somaliland ay qaab wadareedka u mucaaradayaan Madaxweynaha cusub ee JFS, waxaana suurto-gal in Casharka daaha gadaashiisa looga yeerinayo.

Arrin kale ayaa lagu fasiri karaa Eedeymaha Maamulka Somaliland ka soo yeeray inay tahay iyagoo doonaya inay hagoog ku qariyaan Is-qabsiga iyo muranka ka taagan Heshiiska Dowladda Imaaraadka  lagu siinayo Saldhigga Milliteri  ee magaalladda Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, Eedeymaha Maamulka Somaliland ku naqdiyaan Madaxda DFKMG ma aha mid ugub ah, balse waa mid soo jirtay tan iyo Madaxweynayaashii hore ee la soo doortay wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladnimo ee Somalia sannadkii 1991-kii.