AKHRISO:- Maxaad ka taqaan Gacan-yareyaasha Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya?

0

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, inkastoo aanu wax xil ah magacaabin, haddana waxaa soo shaac baxay gacanyareyaal hore u qarsoonaa oo ka mid noqday dadka ugu dhow.

Gacan-yareyaashan oo aan hore loo filayn waxay ku magacaabab yihiin xilal isugu jira safiiro iyo Qunsulo, laakiin waxaa mar qura laga war helay inay madaxweynaha cusub aad ugu dhow yihiin markii la doortay Farmaajo.

Dad badan ayaa aad ula yaabay markii madaxweyne Farmaajo uu habeenkii la doortay u yeertay danjire ku xigeenka Soomaaliya ee Mareykanka Thabit Cabdi Maxamed inuu noqdo qofka uga mas’uulka ah arrimaha ammaanka ee la shaqeynaya taliyeyaasha ciidamada.

Gacanyaraha labaad waa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Xasan Maxamed oo isna ka mida dadka ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isagoo u qaabilsan xaalada kala guurka, waxaana uu ka dhex muuqdaa kulamada madaxweynaha la yeesho madaxda kale.

Fahad Yaasiin Xaaji ayaa isna ka mida geed-fadhiga madaxweyne Farmaajo isagoo madax ka ahaa ololaha doorashada Farmaajo, isagoo la sheegay inuu ku taageeray dhaqaalihii doorashada lagu galay. Fahad ayaa inta badan saxaafadda iska qariya oo aan ka dhex muuqan kulamada madaxweynaha.

Gacanyareyaasha kale waxaa ka mida Siyaad Maxamud Shire oo ahaa qunsulka Soomaaliya ee safaaradda Sacuudiga, Qunsulka ayaa hadda isu bedelay mid ka mida sarkaakiisha nidaamka (protocol) u qaabilsan madaxweyne Farmaajo.

Dad badan ayaa aaminsan in gacan-yareyaashan ay xilal muhiim ah ka qaban doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya oo Ra’iisal wasaaraheeda la raadinayo.