XOG CULUS:- Itoobiya oo Qorshe Qatar ah damacsan iyo Al-Shabaab oo la Xoojinayo

0

Xog hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa waxay sheegaysaa in dowladda Itoobiya ay hadda waddo qorshe ballaaran oo ay ku hubeynayso Kooxda Al-shabaab.

Ilo muhiim ah ayaa inoo xaqiijiyey in Itoobiya ay saraakiil sar sare usoo xil saartay hubeynta Al-shabaab, si ay u xoojiyaan dagaallada ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa iyadoo nacaysa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Farmaajo waxay doonayaan iney ku xoojiyaan dagaallada Al-shabaab si aan iyaga looga maarmin.

Waxay doonayaan iney Al-shabaab siiyaan hubka fudud sida rasaasta, Bambooyinka gacmaha, waxaana sidoo kale ay doonayaan iney wada hadal hoose la yeeshaan saraakiisha sare ee Al-shabaab.

Itoobiya oo taageersaneyd mid kamid ah musharraxiintii dalka hoggaamineysay ayaa markii ay waayeen wixii ay rabeen waxay go’aaan ku gaaareen iney iyaguna sii wadaan qaska ay ku hayaan Soomaaliya.