Wasiirka Arrimaha Dibadda Hadliye Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

0

Iyadoo la qaban qaabinayo xaflada xil wareejinta madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxweynihii hore ee Xassan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada muqdisho goordhaweyd waxaa kusoo laabtay wasiirka arimaha dibada Cabdi Salaan Hadliye Cumar oo indhawaanahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wasiir Hadliye ayaa Sagaalkii bilood ee la soo dhaafay waxaa ku suganaa Nairobi halkaasi oo uu kawaday shaqada wasaarada isagoo ka maqanaa dalka basle howlihiisa sahaqo kawaday magaalada Nairobi.

Waxaa socda qaban qaabada xaflada caleema saarka iyo xil warejinta labada madaxweyne  oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya howsheedu tahay hab maamuuska xafladaasi iyo martiqaad ay udirto Madaxda caalamka, si ay uga soo qeyb galaan Xaflada caleema saarka oo lagu wado inay qabsoonto maalmaha soosocda.