Farmaajo oo la kulmay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Hawada

0

Kulan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed C/laahi Farmaajo uu la yeeshay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed Capt. Cabdiwaaxid Cumar Shiikh Axmed ayey uga wada hadleen xaaladda maamulka Hawada Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee lagu soo wareejin karo.

Maareeyaha Guud ee saadaasha ee duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya ayaa uga war bixiyay Madaxweynaha Xaaladda murugsan ee soo wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya iyo caqabadihii ee arrinta la kulantay Xukuumadihii ka dambeeyay Xukumaddii TAYO oo arrintan hore xoog badan u gelisay.

Maamulka Hawada Soomaaliya waxaa la wareegay 1993 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Civil Aviation-ka oo marki UN UNSOM II ay ka guureen Xamar loo wareejiyay magaaladda Nairobi si ay adeegga Maaxida Hawada loo siiyo Diyaaradaha Maraya Hawada Soomaaliya.

Sanadii 1996 waxaa la aas-aasay Mashruuci loogu magac daray CACAS (Civil Aviation Care-taker for Somalia) oo u shaqeeynayay sida Hay’adda Duulista Soomaaliya, Mashruucaas oo la wareegay Raadiyayaashii iyo Shaqaalihii Hay’adda oo marki dowladdi dhexe dhacday shaqeeynayay illaa haddana ku shaqeeya isla heersi 24 sano kahor.

Shaqaalahaas Soomaaliyeed waxay ku shaqeeyeen duruufo adag iyadoo illaa hadda Kenya ku jooga Visaha arday-nimo oo wax xuquuq ah ay leeyihiin aysan jirin illaa marki dambe dowladda Soomaaliya Hay’adeeda Duulista ay u dooday wax-na laga badalayo.

2013-dii ayaa waxaa baaritaan ay sameeysay isla Hay’adda ICAO lagu ogaaday in CACAS ujeedkii loo abuuray ee ahaa in Duulista Hawada Soomaaliya la gaarsiiyo Dowlad Soomaaliyeed oo dhalata iyadoo mashruucaas uu horumarsan yahay qalab iyo shaqaale-ba.

Dib u dhacyada ku yimid mashruucaas ma ahan wax Dowladda Soomaaliyeed ay aqabli karto 24 sanno kadib oo lagu shaqeeynayo isla heerkii lagula wareegay 1993 iyadoo mashruuca maamulka Hawada Soomaaliya uu yahay mashruuca isaga is-maalgelinayaa oo ay malaayiin dollar ay kasoo xarooto laakiin aysan hufnaan ka jirin dhanka Xafiiska Farsamadda ee ICAO (International Civil Aviation Organization).

Waxaa markii ay Dowladda Soomaaliyeed ay cadaadis ku saartay ICAO ay soo iibiyeen Qalab casri ah oo lagu kontoroolo Hawada Soomaaliya ahna technolojiyada loo yaqaan digital system CPDL (Cockpit Pilot Data Link) kaasoo hadda yaalla Garoonka Xamar, Xaruntii lagu xiri lahaana ay dhameeystiran tahay, laakiin waxaa jira damac iyo campaign ay ICAO ku rabto in qalabkaas la geeyo Nairobi si Maamulka Hawada Soomaaliya ay ugu sii jirto gacantooda.

Waxaa beryahan jiray cabashooyin ay qabaan diyaaradaha dul mara Hawadeena Soomaaliya kana cabanayaan is maqal xumidda Raadiyayaasha yaala Nairobi oo la rabo in ay la hadlaan Diyaarad mareeysa Xuduudka Hindya iyo Soomaaliya ee Badweynta Hindiya oo ay adagtahay in ay maqlaan Raadiyow yaalla Nairobi balse haddii uu Xamar ooli lahaa uu fiicnaan lahaa is maqalka dhanka dhawaanshaha war-leliska.

Cilladda maqalka awgeed, waxaa soo if-baxay cabashooyin Dowladdaha deriska la ah dhanka Hawada (Air Space) Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Mauritius, Seychelles, Hindiya, Kenya, Oman, Ethiopia iyo Yemen taasoo ay leeyihiin waxaa khatar kujira amnigeena diyaaradaha oo diyaarad aan raadiya heeysan oo aan naloo soo tabin ayaa nasoo galeeysa arrintaas xal haloo helo, xalal badan ayaa laysku soo qaaday shir ka dhacay January 2017 Mumbai, India oo Dowladda Soomaaliya uu u matalayay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya Capt. Cabdiwaaxid Sh. Cumar.

Maareeyaha ayaa ku adkeeystay in ciladdaas xalkeeda ay ka gaabisay ICAO loona baahanyahay in Soomaaliya ay xal la timaado halka Hawadeeda wax loo dhimi lahaa, Xalka waa inoo diyaar ayuu Maareeyaha xaqiijiyay.

Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxaa la gudboon in Maxkamad caalami ah loo furo kiiska Hawada Soomaaliya sida kan badda oo kale illeen waa wax la xiriira Madax banaanidda iyo Dowladnimada Soomaaliya.