Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Geedi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Janaraal Siciid Xasan Geeddi oo ahaa xubin ka tiran Barlamaanka cusub, maalmahan dambena ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Golaha Shacabka, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Siciid Xasan Geeddi oo kamid ahaa xildhibaannada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan Siciid wuxuu ahaa shakhsi u huray naftiisa u adeegidda dalka iyo dadka isaga oo darajo sare ka gaaray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana sabar iyo imaan uu ka siiyo. AAMIIN” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Siciid oo ahaa xubin kamid ah guddigii difaaca ee Baarlamaankii 9-aad, waxaana markii ugu horreysay uu soo galay Baarlamaanka Federaalka sanadkii 2012-kii.