XOG CUSUB:- Sheekh Shariif oo Dalab Cajiib ah u Jeediyay Madaxweyne Farmaajo

0

Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta waxa uu Hotelka magaalada Muqdisho ka deggan yahay madaxweyne Farmaajo kula qaatey kulan aad  xasaasi ah, kaasi oo looga wada hadlay arrimo dalka ku saabsan.

 

Shariif ayaa Labo arrin mid ka dalbaday madaxweyne Farmaajo, waxaana kamid ah in uu isaga Ra’iisul wasaare ka dhigo, ama shaqsi ku beel ah oo uu soo diyaarsanayo.

 

Farmaajo ayaa u sheegay in Kursigaan tashi badan la gelinayo, islamarkaana shacabka qofka ay ku qanacsan yihiin laga dhigi doono, isaga ama ruux kaleba.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Farmaajo in Kursigan sidoo kale uu dhexyaallo dhamman musharraxiintii laga guuleystay oo talo aad u muhiim ah ku leeyihiin si loo helo isbedal dhab ah.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa il gaar ah ku haya Ra’iisul wasaaraha uu soo dooran doono, waxaana uu doonayaa inuu shacabka usoo xulo