WAR DEG DEG AH:-Banaanbax ka socda Magaalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho, waxaa xilligaan ka socda Banaanbax ballaaran oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana isugu yimid dad weyne ka kala yimid Degmooyinka Gobolka.

Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana ka qaybgalaya masuuliyiin uu isaga ugu horeeyo.

Banaanbaxa ayaa wuxuu ka socda Taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere, waxaana wadooyinka xiray ciidamada ammaanka Gobolka Banaadir, si uusan amniga faraha uga bixin.

Maamulka Gobolka Banaadir oo la soo daahay taageero u muujinta Madaxweynaha cusub ee dalka, ayaa shacabka maanta isugu yeeray Banaanbaxan, xilli reer Muqdisho tan iyo maalinti Farmaajo la doortay ay banaanbaxayeen.

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka mid ah Xertii Xasan Sheekh Maxamuud, ayaanan ku qanacsaneyn isbedelka ku yimid hogaanka dalka, maadaama Yuusuf Xuseen Jimcaale uu horay u sheegay inuu jecel yahay mar kale in talada dalka loo doorto Madaxweynihii hore.

Masuuliyiin badan oo dowladii hore ka tirsanaa ayaa fagaarayaal ka muujiyay taageerada shaqsi gaar ah, xilli ay hayeen masuuliyad shacabka loogu dhiibay inay ugu adeegaan, waxaana dadkaasi oo dhan iminka ay yihiin kuwa niyad jabsan.

Hogaanka cusub ee Somaliya loo doortay ayaa laga filayaa inuu la yimaado isbedel ku aadan maamulka dalka iyo shaqsiyaadka ka mid noqon doono dowladda cusub.