Madaxweyne Donald Trump oo soo saarayo Amaro dheeraad ah oo Socdaalka la Xiriira

0

Madaxweyne Trump ayaa muujiyay inuu dib ula noqonayo racfaanka uu ka qaadan lahaa go’aan maxkamad ay ku hor istaagtay xayiraadda socdaalka.

Trump ayaa saxaafadda u sheegay inuu taasi bedelkeeda soo saari doono amarro dheeraad ah oo dhanka socdaalka ah.

Wuxuu sheegay in uu “fursado badan haysto”, uuna amarka kale soo saari doono isbuuca soo socda.

Madaxweyne Donald Trump wuxuu horey u sheegay “in uusan shaki kujirin” in maamulkiisa uu ku guuleysan doono dagaalka dhanka sharciga ka socda ee ku saabsan xayiraadda socdaalka.

Shir jaraa’id oo ay qabteen Trump iyo ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe, ayuu Trump ka sheegay in tallaabada lagu soo celinayo la dedejinayo, uuna soo rogi doono isbuuca soo socda, “tallaabooyiin dheeraad ah oo dhanka amniga ah”.

hadalkaas wuxuu jeediyay ayadoo qareenada Virginia ay maxkamadda u sheegayaan in sharciga Trump “uu ka dhashay naceybka uu u qabo Muslimiinta”.

Khamiistii, Maxkamad racfaan ayaa sheegtay in maamulka Trump uu ku guuldareystay inuu “cadeyn bixiyaan” ay qiil ugu raadiyaan xannibaadda.

“Waxaan dooneynaa inaan dalkeena nabad ka dhigno, waxaan sameyneynaa waxkastoo lagama maarmaan ah si dalka uu amni u sii ahaado,” ayuu yiri Mr Trump.

“Waxbaan si degdeg ah u sameyndoonnaa oo tallaabooyiin amni oo dheeraad ah ay ka mid yihiin, wax cusub ayaad isbuuca soo socda arki doontaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Mr Trump ma uusan cadeynin waxa uu ula jeedo “tallaabooyiin dheeraad ah”, balse wuxuu ka jawaabayay su’aal weriye uu weydiiyay oo ku saabsanayd inuu qorsheynaayo inuu amarro cusub soo saarayo.

Muxuu yahay kiiska Virginia?

Waxa uu ka mid yahay dacwooyiin kala duwan oo loo gudbiyay maxkamadaha federaalka ee Mareykanka oo lagula dagaallamayo tallaabada Trump uu xayiraadda socdaalka ku saaray todobo dal oo Muslimiin ah.

Afhayeenka Xeer ilaaliyaha Virginia Mark Herring, wuxuu sheegay inay arrinta noqon karto “Kiis si qoto dheer loo eegayo doodda ku saabsan saameynta xayiraadda”.