15 qof oo ku dhimatay dhul gariir Xoogan

0

Sida ay sheegeen Saraakiisha caafimaadka dalka Filibin, dhimashada dadka ayaa gaaraysa 15 ruux, halka dhaawacana uu gaaraayo 126 ruux oo waxyeelo kala duwan ka soo gaartay dhul gariir xoogan oo dalkaasi ku dhuftay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa wada gurmadka dadka ay saameeyeen dhulgariirka.

Dadka dhaawaca iyo kuwa dhintay ayaa u badan dad guryahooda ay ku soo dumeen, markii dhulgariirka uu ku dhufanaayay dalkaasi.

Waxaa wali dalkaasi ka socda Howlaha Samatabixinta dadka.