Iskaashatada Gaadiidleyda oo u gurmaneysa Dadkii ay saameeyeen abaaraha

0

Xili ay ku dhufteen abaaro baahsan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo saameeyay Dadka iyo Duunyada ayaa hadana waxaa isa soo taraya Bulshada Soomaaliyeed ee xil iska saareysa u gurmashada Dadkii ay saameeyeen abaarahaasi.

Iskaashatada Gaadiidleyda ayaa shaaca ka qaaday in ay magacaabeen Guddi ka kooan 7 Xubnood, kuwaasi oo soo uruurinaya dhaqaalo loogu deeqayo Dadka ku nool halka ay abaaraha ku dhufteen.

Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Iskaashatada Gaadiidleyda, Maxamed Rashiid Maye ayaa sidoo kale xusay in ay diyaariyeen Gaadiid daabula gargaarka la qorsheynayo in ay gaarsiiyo Dadkasi.

Sikastaba, hadalka Guddiga Iskaashatada Gaadiileyda ayaa waxuu ku soo beegmayaa xili abaaro qeylo dhaan xoogan laga muujiyay ay ka jiraan Degaano iyo Degmooyin dhaca bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.