DHAGEYSO:- Xildhibaan Rabiica “Isbadelka Waa Ka Run Sheegnay, Waana la shaqeyneynaa Madaxweynaha Cusub”..

0

Iyadoo Baarlamaanka Labada Aqal ay wadajir usoo doortay Arbacadii Maalin ka hor Madaxweyne Cusub oo loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadana waxa jira dad siyaabo kala duwan usoo dhaweenayey.

Xildhibaan Rabiica Sheekh Nuur oo ka mid ah Mudanayaasha Ku Cusub Baarlamaanka Dalka ayaa waxay ka hadashay qaabkii ay go’aanka uqaateen ayna udoorteen Hogaamiye Cusub.

Rabiica oo kasoo gashay Baarlamaanka Deegaan Ahaan Koonfur Galbeed waxay sheegtay in Isbadelkii la doonayey laga run sheegay islamar ahaantaana ay soo doorteen Madaxweyne uqalmi kara sida ay tiri Hogaaminta Dalka iyo Dadka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-