DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Shil gaari oo ka dhacay Bardaale iyo Masuul Caan ah oo ku dhaawacmay

0

Waxaa Faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan Shil gaari oo ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Shilka gaari ayaa waxaa ku dhaawacmay Guddoomiyaha Degmada Bardaale Weedow Cali Xasan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa oo la socday.

Shilkan gaari ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale, Waxaana la sheegay in Guddoomiyaha uu u socday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Dhaawaca Gudoomiyaha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa waxaa loo qaaday Isbitaal ku yaalla Magaalada Baydhabo.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay Cali Cadow Isaaq ayaa sheegay in dhaawaca Guddoomiyaha uu yahay mid Fudud isla markaana hada xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan.

Waxa uu sidoo kale faah faahin ka bixiyay qaabkii uu u dhacay Shilka gaari uiyo waxa sababay shilkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-