DHAGEYSO:- Beesha Caalamka oo ku dhawaaqay in ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

0

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta Maxamed Farmaajo oo noqday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Beesha caalamka ayay ku sheegtay in ay garab istaagi doonto Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, si wax looga qabto arrimaha hada horyaala oo ay ka mid yihiin in gar gaar la gaarsiiyo iyo in amniga aad loogu dadaalo, maadaama mararka qaar ay dhacaan weeraro ay geystaan Shabaab.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay ku hanweyn tahay inay kala shaqayso Madaxweynaha cusub, Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ee ka dhisan dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha dalka ka jira.

Waxaa qoraalka lagu yiri ” “Madaxweyne Farmaajo wuxuu wajahayaa dhowr caqabadood oo waaweyn si uu u xaqiijiyo yidiilada dadka Soomaaliyeed. Dadku waxay ka rajaynayaan dowladda federaalka inay wax ka qabato dhibaatada abaaraha ee sii xumaanaysa ee dalka ka jirta iyo inay ka hortagto macluul kale oo dalka ka dhacda”

Ugu dambeyntii Beesha Caalamka ayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqday in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, si looga gudbo caqabadaha jira, iyadoo sidoo kale sheegtay in ay muhiim tahay in wada hadal nabadeed laga dhex bilaabo beelaha is khilaafsan, si loo xaliyo tabashadooda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-