QM oo Sheegtay inay Macluul Baahsan ku soo Food leedahay Waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay

0

Xoghayaha Guud ee QM, Maxbuub Macallim oo Suxufiyiinta kula hadlay  Nairobi ayaa sheegay inay Khatartaasi ku soo fool leedahay ugu soo yaraan 20-million oo qof oo ku nool dalalka Somalia, K/bari Ethiopia, Bariga iyo XeebahaKenya iyo Waqooyiga Uganda.

Waxa uu farta ku fiiqay in tirada dadka ay soo wajihi doonto Macluusha ee u baahan Gargaarka degdegga inay  gaarayaan 17-million oo qof.

Dhinaca kale, Agaasimaha Hay’adda WFP ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, Valarie Guarnieri  ayaa  sheegtay inay in ka badan 11.2 million oo qof ay u baahan yihiin Gargaar Cunto oo Degdeg ah.