DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo “ Shacabka Soomaaliyeed ha isdajiyaan, Dowladee rabeen Waa Heleen, guryahooda haku laabtaa”..

0

Maxamed Cabdulahi Farmaajo, Madaxweynaha federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlayey shacabka dhaarintii kadib ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo isbadalka ka dhacey dalka.

Maxamed Farmaajo ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Xildhibaannada baarlamaanka sida ay uga jawaabeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu si gaar ah ugu mahadceliyay shacabka sida ay doorashada u soo dhaweeyeen.

Shacabka waxaa leeyahay, wixii aad rabteen waa hesheen, adinkaa ah dowlad ku sheqeysa shacabka, dowlad ku dhisan shacabka, dareenka shacabka iyo rabitaankana ku shaqeysa, shacabka waa ay heleen dowladdii ay rabeen, aniga waxaa uu qorshaheygu yahay in dowladda ay noqoto dowlad shacab ah, shacabka iyo dowladdana ay isku xirnaadaan oo la wada shaqeeyo amniga iyo dhaqaalaha”.

Hoos ka Dhageyso Codka:-