DHAGEYSO:- C/weli Gaas “ Farmaajo Shacabka Soomaaliyeed ayaa u baahan, Caalamku ma rabaan”..

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kusugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay aqoonta uu u leeyahay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu sheegay in ay mudo dheer is yaqaaneen, isla markaasna uu ka mid ahaa golihiisa Xukuumada.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Isbedelka dhacay & imaanshaha xilka Madaxweyne-nimada ee Farmaajo ay tahay talaabo muhiim ah oo ay Shacabka Soomaaliyeed wada sugayeen soona wada dhaweeyeen.

C/weli Gaas  wuxuu cadeeyey aqoonta u u leeyahay Madaxweynaha cusub oo ay isku gobal ka yimaadeen dalka Mareykanka, isagoo sheegay in ay taasina tahay arrin kale oo muhiim ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-