Xalay Muqdisho maxaa ka dhacay ?

0

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay u taagan yihiin 22 Musharax bilaabashadeeda ayaa waxaa ka harsan saacado, maadaama maanta oo Arbacao ah loo qorsheeyay in la qabto.

Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxa ay aheyd mid mashquul badan, marka loo eego xaga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoteelada ugu waa weyn ee Muqdisho iyo guryaha Musharaxiinta waxaa xalay ilaa saakay aroorti ka socday kulamo ay yeelanayeen Musharaxiinta iyo xildhibaanada Labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Musharaxiinta ayaa xildhibaanada Dowladda Federaalka ku sameynayay xod xodosho, taas oo ay ku weydiisanayaan codkooda, waxaana ay u sameynayeen balan qaadyo.

Jawiga Magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid degan, waxaana dhaq dhaqaaqa uu yahay mid aad u yar, maadaama dadka mar hore lagu wargeliyay in uusan dhaq dhaqaaq jirin maalmaha Doorashada Madaxweynaha.

Soomaalida meel walba oo ay joogaan ayaa waxa ay isku diyaarinayaan Daawashada iyo dhageysiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo saacado kadib ka bilaaban doonta xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni.