WAR DEG DEG:- Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhaw bilaabaneysa

0

Waxaa saacadaha soo socda magaalada Muqdisho  ka dhici doonta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya afarta sano ee soo socota dalka hogaamin doona, iyadoo diyaar garowga doorashada si weyn looga dareemayo guud ahaan magaalada Muqdsisho.

Qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa ka soconeysa hoolka logu talagalay in lagu qabto doorahada.

Nasro Bashiir Cali oo ka mid ah koox weriyeyaal ah oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka, kuna sugan hoolka doorashada ayaa sheegtay in xarunta ay ku sii qul qulayaan Xildhibaannada baarlamaanka ee Aqalka Sare iyo Golaha shacabka.

Waxaa sidoo kale xarunta ku sii qul qulaya Wakiilo ka socda beesha caalamka, si ay goob joog uga noqdaan doorashada.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga caasimadda, iyadoo hakad la geliyay isu socodka gaadiidka dadweynaha.

Illaa 22 Musharax ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha, waxaana suurta gal ah inay is casilaan Musharaxiin qaar.

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa soo saaray awaamiir ku aadan doorashada, iyadoo hoolka doorashada aan lala geli doonin Taleefanada gacanta, qallimaan iyo agabyada kale.

Illaa 329 Xildhibaan ayaa qorshuhu yahay inay u codeeyaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.