XOG:- Hab lagula dagaalamayo musuqa maalinka doorashada oo la keenay

0

Waxaa shalay magaalada Muqdisho ka dhacay kullan ay isugu yimaaden Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa doorashada Madaxweynaha oo dhawaan ay suubiyeen Xildhibaanada baarlamanka Somalia.

Guddiga oo ka hadlaayay Doorashada ayaa kulankooda kasoo saaray dhowr qodob oo ku­xeeran arrimaha Doorashooyinka.

Guddiga ayaa waxaa kamid ahaa qodobada ay kulankooda kasoo saaren inay xadidadyaan dhaqdhaqaaqa xarunta doorashada, ilaalinta xalaalnimada habka codeynta iyo inay sheegi doonaan xildhibaankii ay ku helaan inuu laaluush ku iibsaday codkiisa.

Guddiga ayaa sidoo kale, sheegay in culeyska ugu badan ay saari doonaan Xildhibaanada si looga gaashaanto inay u kala hiiliyaan Musharaxiinta am ay ka qaataan dhaqaale musuq ah oo muuqda.

Guddiga waxay sheegeen inaysan ogolaan doonin in sawir laga qaado warqadda doorashada iyo in lagu dul qoro lambar sir ah, taasi oo haddii ay dhacdo codkaas ka dhigeysa mid aan jirin.

Waxaa jira in musharaxiinta qaar ay lambar sir ah siiyeen xildhibaanada, si ay ugu dul­qoraan warqadda codeynta, halkaasna laga ogaado musharaxa ay u codeeyeen, si lacagta loo siiyo.

Guddiga ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku tagrifalaan codadka amaanada ah, waxa ayna meesha ka saaren in Guddiga uu la safan doono musharax gaara.

Kulankaani ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan tuhunno ku saabsan in musharaxiinta qaar ay codadka ku dhex iibsadaan Hoolka Doorashada iyo in Xildhibaanada ay qaribaan midaamka loo dajiyay Doorashada.

Geesta kale, Guddiga ayaa la sheegay inay sameeyen xubno gaara oo dhexgal ku sameeya Xildhibaanada codeyn doona kuwaa oo ka hortagi doona in gudaha Hoolka lagu kala iibsado codadka Xildhibaanada.