XOG:- Dowladdaha Kenya Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Cabdikariin Xuseen Guuleed Iyo Shariif Xasan.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan Xiisad cusub ayaa ka dhax taagan Dowlada Kenya iyo Madaxweynha koofur galbeed Shariif Xasan iyo madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Dowlada Kenya ay xanibaad saartay Labadaas oo ay u diiday in aysan u safri karin Dalkeeda.

Cabdikariin Xuseen Guuleed Iyo Shariif Xasan ayaa lagu soo eedeeyay in ay u ololeenayaan ama la safteen Xasan Sheekh Maxamuud.

Kenya waxaa ay ku colaadineysaa Xasan Sheekh waxaa ay tahay Arinta Dacwada Badda ee Maxkaamda Caalamiga iyadoo sidaa darteed Dowladaasi aysan dooneeyn in markale Xasan Sheekh Talada Dalka ku soo noqon.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in Imaaraadka ay Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed go’aankaas oo kale ka qaadatay Maadaama ay uga baxeen Heshiiskii Magaalada Abu Dhabi oo ay soo kala saxiixdeen Madaxda Maamul goboleedyada iyo Dowlada imaaraadka.

Isku soo wada duuboo Dowlada imaaraadka ayaa wadata Musharraxiinta kala ah Sheekh Shariif iyo Saacid Faarax Shirdoon iyadoo Madaxda Maamul goboleedyada kale ay go’aankoodu yahya in labadaas mid kood loo Ololeeyo oo dalka isbedel ka dhaco halka labda Madaxweyne ay taa ka soo horjeedaan.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media