Warar Cusub oo ka soo kordhaya Caawa Hoobiyeyaal ku dhacay Meelo badan oo Muqdisho ah

0

Waxaa Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ku soo dhacay tiro Hoobiyeyaal ah, sida ay Warbaahinta u sheegeen Dadka Degaanka.

Degmooyinka ay caawa ku soo dhaceen Madaafiicda ayaa waxaa ka mid ah Waaberi, Xamar jajab, Xamar weyne iyo Warta-nabadda.

Madaafiicdan ayaa laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka qaar.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Madaafiicdan, waxaanan la ogeyn goobta laga soo tuuray.

Ciidamada ammaanka Degmada Waaberi ayaa Howlgal ku soo qabtay tiro dad ah, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay wadeen falal amni daro ah, baaritaano ayaa ku socda.