TOP DHAGEYSO:- Musharax Madaxweyne: “Walaac Kama Qabno Tagida Cadaado”

0

Axmed Ducaale Geele Xaaf oo kamid ah musharaxiinta utaagan qabshada xilka madaxweynaha ee maamulka Galmudug ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka xili dhawaan xildhibaano katirsan maamulka loo diiday inay tagaan  maagoolooyinka Cadaado iyo Caabud Waaq islamarkaan ishor istaag lagu sameeyey tagista xildhibaanadaas markii loo diiday inay ka dagaan Garoonka Cadaado.

Xaaf oo hada ah musharax utaagaan qabashada xilka madaxweynaha ee maamulka Galmug waxa uu  sheegay in aysan walaac ka qabin inay tagaan magaalada Cadaado oo ay guddiga doorashada maamulkaasi  sheegeen inay ka dhaceyso Doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka waxaa uu sharci daro ku tilmaamay waxa hada kasocda Galmudug iyo dhibaatooyinka jira oo uu ku eedeeyey  maamulka Guuleed.

Qaban qaabada doorashada madaxweynaha ee Galmudug ayaa ka socoto magaalada Cadaado waxaana guddiga doorasho ee maamulku ay sheegeen in laqabanyo 19-ka Bishaan oo ay dooran doonaan madaxweyne iyadoo wali Cabdikariin Xuseen Guuleed uu diidanyahay Go’aanka xildhibaanada ee xilka qaadista waxaana jiraa siyaasado isdiidan oo ka dhaxjira maamulka haatan ee Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO