TOOS U DHAGEYSO:- Madaxweynihi Hore Ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan "Ka Fiirsada Qofka Aad Dooranaysaan, Qabiilna Haku Dooranina".

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa ka dalbaday xildhibaanada Soomaaliya aysan codkooda ku iibsan laaluush ama lacago, isagoo tilmaamay in dalka uu ubaahan yahay samatabixin rasmi ah.

Cabdiqaasim oo sheegay in dowladiisii KMG aheyd ee Carte lagu soo dhisay ay ka socon weysay faragelin wadamada deriska ah ayaa ugu baaqay Xildhibaanada iney doortaan musharax ka shaqeynaya danta umadda Soomaaliyeed, inkastoo uusan magac gaar ah tilmaamin.

“Ilaahey uga cabsada qofka aad dooraneysaan ka fiirsada”ayuu yiri C/Qaasim oo dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Allah ay ka baryaan in masuul caadil ah loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad usugaya in doorashada beri uu kusoo baxo musharaxa Maxamed Cabdullahi Farmaajo inkastoo olole xoogan ay dhanka kale ku jiraan Xasan Sh iyo Sh Shariif Sh Axmed.

HOOS KA DHAGEYSO