DEG DEG:- Xildhibaano Muqdisho lagu doortay

0

Labadii Kursi ee ugu dambeysay Xildhibaanada ka imaanaya gobolada waqooyi ee Aqalka Sare oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo baxay labo xildhibaan.

Kursigii ugu horeeyay ayaa waxaa kusoo baxay Bilaal Idiris Cabdulaahi oo helay 23.

Halka kursigii ugu dambeyana uu kusoo baxay Saciid Cabdi Xuseen ka dib markii ay tanaasushay Maryan Axmed Xuseen oo kursigaasi kula tartameysay.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa guud ahaan lasoo gabagabeeyay.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ayaa dhammaantood waxaa lagu doortay Magaalada Muqdisho.