Dagaal culus oo ka socda degaano ka tirsan Sh/Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha dhexe, ayaa sheegaya dagaal u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa Shabaab inuu hadda ka socda duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalkaan ayaa wuxuu yimid, kadib markii ciidamo AMISOM ah oo lugeynaya Shabaab ay wadada u galeen sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Cornel. Maxamuud Koronto oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Xooga dalka ee Shabellaha Dhexe.

Wararka waxa ay sheegayaan dagaalka inuu ka socdo inta u dhaxeyso Degaanada Biyo cadde iyo Miir tuugo, waana dagaal culus oo labada dhinac hubka nuucyadiisa  kala duwan ay isku adeegsanayaan.

Lama ogaan karo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, maadaama labada dhinac ay ku dagaalamayaan degaano howd ah, ayna adag tahay in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay.