Daawo Sawirada Dab baabi’iyay ganacsigii Suuqa ugu weyn Xeryahaha Dhadhaab

0

Dab xoogan ,ayaa xalay wuxuu ka kacay Suuqa ugu weyn ee Xeryaha Dhadhaab ee ay ku jiraan Qaxootiga Somaliyed dalka Kenya, dabkaasi oo baabi’iyay dhamaan goobihii ganacsiga Suuqa Dhadhaab ee Xeryaha Qaxootiga.

Dabkaan ayaa ka dhashay sida dadka ay sheegeen Koronto, wuxuuna sababay dhismooyinkii ganacsiga oo markii horeba ka sameysnaa Jiingado iyo cooshado inuu dabka baabi’iyay.

Qof ka mid ah ganacstada Suuqa Xeryaha Dhadhaab, ayaa Warbaahinta u sheegay in gabi ahaanba goobtiisa ganacsi ay bas beeshay oo aysan jirin wax uga badbaaday, marka loo eego sida dabka uu u sameeyay.

“Dabka wuxuu ahaa mid xoogan oo dhamaan goobaha ganacsiga baabi’iyay, aniga goobteya ganacsi waa ay gubatay waxba kama harin, dhibaato waaye meeshaan dab damis malahan.” Ayuu yiri nin ka mid ah ganacsatada Suuqa Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Suuqa gubtay ayaa waxaa lagu iibin jiray ganacsiga kala duwan, sida qudaarta, dharka iyo maacuunta, wuxuuna ahaa suuqa ay ku tiirsan yihiin adeegiisa dadka ku nool Xeryaha Dhadhaab.

Xeryaha Dhadhaab malahan wax dab damis ah, sidoo kalena waxaa la sheegay 20 ruux oo ganacsatada ka mid ahaa in dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen dabkaasi suuqa Dhadhaab ka kacay.