Top News:- Madaxweyne C/weli Gaas oo Muqdisho yimid, Kuna biiray Olalaha Musharaxa Madaxweyne ee..

0

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayay ayaa maanta gelinkii danbe soo gaaray caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinayey gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha  Puntland iyo saraakiisha madaxtooyada  Puntland.

Ugu horay Madaxweynaha  Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarkan isaga iyo wafdigiisu uu salka ku hayo arrimo la xiriira Doorashooyinka Soomaaliya, waxaana uu tibaaxay madaxweynuhu in ay lagama maarmaan tahay in  Puntland ay qayb ka ahaato arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya madaama ay Puntland khibrad badan iyo aqoon badan u leedahay arrimahaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha  Puntland ayaa sheegay in Puntland ay xaq u leedahay inay wax ka ogaato arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya islamarkaana ay taageerayso isbedelka ka dhicidoona Soomaaliya.

‘’maanta aniga iyo wafdi balaaran ee aan hogaaminayo oo uu ka mid yahay gudomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaan soo gaarnay magaalada Muqdisho oo dhowaan ay ka dhicidoonto doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, dabcan Puntland waa qayb muhiima oo ka midda Dowladda Faderaalka waxayna rabtaa inay wax ka ogaato isbedelka ka dhicidoona Soomaaliya, waxaa ku xidhan Masiirkeeda, waxaa ku xidhan horumarkeeda, waxaa ku xidhan wada jirkeeda iyo midnimadeeda Soomaaliyeed markaa inaanu ogaano, korjoogtayno, ka war-qabno waxa kasoo baxaya gabagabada doorashada Soomaaliya waa mid muhiima’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in isaga iyo wafdigiisu ay Muqdisho ku sugnaan doonaan ilaa dhammaadka Doorashada, taas oo ay maalmo kooban ka harsan tahay gunaanadka Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo sida warar hor dhac ah ay sheegayaan Cabdiwali Gaas ayaa waxaa lagu wadaa inuu u olaleenayo Musharax Cumar Cabdirashiid Cali oo isagu ah Musharaxa ay wadato Puntland waa sida uu u arko Cabdiwali Gaas.

Hoos ka Daawo Sawirada:-