Baraf Xoogan dad badan ku laayey Dalka Afghanistan

0

Baraf xoog leh oo isugu jira mid da’ay iyo mid buuraha ka soo rogmaday ayaa waqooyiga bari ee Afghanistan ku dilay ugu yaraan 10 qof.

Saraakiil ayaa sheegay in daraasiin dad ah laga yaabo inay ku xanniban yihiin barafka hoostiisa, gobolka Badakhshan, ka dib markii uu baraf ku habsaday, kaasoo burburiyey guryihii, wadooyinkiina jaray.

Qaybo kale oo waddanka ka tirsan oo uu ku jiro gobolka bartamaha ee Bamiyan iyo Balkhab oo ah dhinaca waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ka da’ay baraf xoog leh oo khalkhal galiyey safarradii la isaga gooshayey.