TOOS U DHAGEYSO: Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland " Guud ahaan Dalka Soomaaliya Waa in laga saaraa Jeneraal Gabra, Dalka ayuu qasaya"..

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) oo la hadlay warbaahinta gudaha Puntland ayaa sheegay muhiim in ay tahay dalka in laga saaro General Gabre.

Mar la weydiiyay isaga in uu xiriir la leeyahay Gabre waxa uu ku jawaabay in uusan xiriir la laheyn, waxaana uu sheegay Gabre in isaga uu yahay Itoobiyaan, balse Itoobiya aysan Gabre.

Sidoo kale C/xakiin (Camey) ayaa waxa uu sheegay Gabre ummada Soomaaliyeed in magaciisa ay marar badan maqleen Gabre, xaqna u leeyihiin in ay dalka ka saaraan.

Waxa uu sheegay dalka Itoobiya in uu yahay dal aan deris nahay oo uu inaga dhaxeeyo Ganacsi, xiriir wanaagsan iyo arimo kale, sidaasi darteedna aysan ku xad gudbeyn.

General Gabre oo ah sarkaal Itoobiyaan ah ayaa waxa uu galaangal siyaasadeed ku dhex leeyahay Dowladda Soomaaliya, taas oo xitaa sababta in Madaxda Soomaalida ay safaro badan ku tagaan Itoobiya.