DHAGEYSO:- Wasiir Axmed Maxamed Barre “ Xuquuqdeyda Siyaasiga Waxaa Bursada ku qaatay Shariif Xasan, Wuuna dayacay Masuuliyadii loo dhiibay

0

Wasiirka Cadaalada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya uu jebiyay Dastuurka iyo Sharciga Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin Xuquuq Siyaasi ah oo ay leeyihiin Xildhibaanada iyo Wasiirada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan uu dayacay Masuuliyadii loo igmaday isla markaana aysan jirin wax shaqo ah oo ka socda Magaalooyinka Maamulkaaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-