DAAWO SAWIRRO:-Dhismaha Isbitaalka Balanbal oo ay ka qayb qaadanayaan Laba hay’adood ee Zamzam Foundation iyo Somali Stabililty Fund (SSF).

0

Dhismaha Isbitaalka Guud ee laga hirgelinayo magaalada Balanbal ee gobalka Galgaduud ayaa waxaa haatan ka qayb qaadanaya Laba Hay’adood oo samafal ah oo lagu kala magacaabo Zam-zam Foundation iyo Somali Stability Fund (SSF).

Waxaa dhismaha Isbtaalka Balanbal uu bilowday Bishii Nofeembar ee sanadkii tagay 2016, waxaana uu ka koobnaan doonaa 30 qol, 12 musqulood, 4 maqaasiin iyo hool aad u weyn, kaasoo haatan uu dhismihiisu marayo meel fiican.

Dhismaha Isbitaalka Guud ee Balanbal ayaa waxaa iska kaashanaya Shacabka magaalada Balanbal iyo Jaaliyadda qurba joogta ah ee ka soo jeedda magaalada Balanbal iyo waliba labada Hay’adood aan kor ku soo xusey ee Zam zam iyo SSF.

Shacabka magaalada Balanbal iyo Jaaliyadda qurba-joogta ah ayaa markii hore dhaqaale ku bixiyay dhismaha Isbitaalka Guud ee Balanbal, kuwaasoo dhismaha Isbitaalka qaybtiisa hore bilaabay, hase yeeshee dhaqaalaha guud ee ku baxaya Isbitaalka waxaa 233 Kun oo Dollar bixiyay Labada Hay;adood ee Zamzam iyo SSF.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaale Uriuurinta Isbitaalka guud ee Balanbal Xabiibo Cali Dharaar oo aan kula kulmay magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa ayadoo iiga war-bixisay Isbitaalka, waxaa ay ii sheegtay in marka la dhameeyo dhismaha Isbitaalka loo sii baahan yahay dhaqaale hor leh oo gaaraya ugu yaraan illaa 150 Kun oo Dollar.

Waxaa ugu dambayntii Xabiibo Cali Dharaar ay ugu baaqday Labada Hay’adood ee Zamzam iyo SSF iyo dhammaan Jaaliyadda ka soo jeedda deegaanka Balanbal ee dal iyo dibadba in ay si naxariis ku dheehan uga qayb qaataan dhameystirka Isbitaalka, isla markaana ay ku yaboohaan 150 Kun oo Dollar ah ee loo baahan yahay, si Isbitaalka loo dhameystiro oo uu qabto hawlihii caafimaad ee laga rabey.

Daahir F. Afdheere
Email.owsame1@yahoo.com
————————————–