XOG CUSUB:- Lacagaha lagu kala Iibsanayo Codadka Xildhibaanada oo sii kordhaya iyo Musharaxiinta qaar oo..

0

Waxaa maalmahan dambe soconaayay musharraxiinta dooneysa iney iibsadaan xildhibaannada baarlamaanka Labada aqal, maadaama Sideedda bishan ay dalka ka dhaceyso doorasho.

Hadaba Suuqa kala iibsiga Xildhibaannada cirka ayuu isku shareeray, xildhibaannaduna waxay dalbadeen qarashaad aan caadi ahayn.

Marka laga reebo kuwa u iibsan Xasan Sheekh ayaa xildhibannadii kale waxay codkooda ku qiimeeyeen lacag dhan 1 milyan oo doolar.

Musharraxii bixin kara Hal Milyan waxa uu helayaa codadka hadba inta ay lacagtiisa oo dhan la egtahay, balse taasi ayaa caqabad ku noqon doonta musharraxiinta qaar.