DHAGEYSO:- Al Shabaab oo Dagaal kula wareegay Degaan Duleed ka ah Degmada Afgooye

0

Dagaalamayaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Muuri oo u dhaw degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid laga maqlay daafaha deeganka ayaa dagaalamayaasha Xarakada Al-shabaab waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan deegaanka Muuri.

Ciidamada ku sugnaa goobta oo dagaalka kula galay Al-shabaab ayaa u ruqaansaday degmada afgooye g/shabeelada hoose.

Mid kamid ah dadka deeganka sheegay in dagaalka uu ka bilaawday saldhig ciidanka ay ku lahaayeen deegaanka Muuri ee g/sh/hoose, waxuuna tilmaamay in sidoo kale guri goobta ku yaalay ay weerareen dagaal yahanada Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo wali ka soo baxay maamulka degmada Afgooye, iyo saraakiisha ciidanka amaanka ee ku aadan dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Muuri ee G/Sh/Hoose.

Hoos ka Dhageyso Codka:-