DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo hub iyo Gawaari kasoo qaatay Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya

0

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab Weerarkii ay ku qaadeen Degaanka Carabiya oo hoos yimaada degmada Mandera ay ku qaateen hub iyo sidoo kale Gawaari dagaal.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidanka dowladda Kenya oo aan Magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay Saldhiga ciidanka dowladda Kenya ee degaanka Carabiya ay ka qaateen Qoryo u badan AK47, Computaro iyo sidoo kale labo Gaari oo mid ah ka mid ah uu yahay Land Cruiser.

Wasiirka Arimaha Gudaha Joseph Nkaissery ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka gacanta ku dhigeen qoryihii iyo sidoo kale Agabkii ay ku shaqeynaayeen in ka badan 21 Askari.

“Ciidamada ayaa Iskaga baxay Markii ay dagaalyahano ay soo galeen degaanka, waxaana ay qaateen labo Gaari iyo Qoryo , wax Naf ah kuma dhiman ” ayuu yiri Wasiirka.

Shalay Subax Aroortii ayay aheyd markii dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Carabiya ee dalka Kenya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-