XOG CUSUB:- Musharraxiinta Madaxweynaha oo deg deg u dalbaday in xilka laga qaado Taliyaha Ciidamada Booliska

0

Mushariixinta Madaxweynaha Soomaliya ayaa guddiga doorashada Madaxweynaha ka dalbaday in xilka laga qaado taliyaha Ciidamada booliska Soomaliyeed Maxamed Shiikh Xasan Xaamud.

Sababta ugu weyn ayeey Musharraxiinta waxaa ay ku sheegeen in uu dhawaanTaageero uu u muuujiyay Xasan Sheekh oo ka mid ah Musharraxiinta u ordayay Xilka Madaxweynaha.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud waa Gudoomiyaha Guddiga Amniga dooorashooyinka dalka,

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha C/raxmaan Ducaale beyle ayaa arintaas ku gacan seeray waxa uuna sheegay in taasi shaqadooda aysan aheyn.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag aya xilka Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashada ku waayey kadib markii uu ka qeyb galay kulan lagu taageerayay Xasan sheekh oo ka dhacay SYL.

Ilaa hadda lama oga in ay go’aanka Musharraxiinta ay ka qaateen Taliyahay Ciidamada Booliska uu dhaboobi doono iyo in kale maadaamada dalka Xaaladiisa ay mareyso meel Xasaasi ah.