DHAGEYSO FAAHFAAHIN+DAAWO SAWIRRO:- Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Isgoyska Beexaani Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mustaf Jeylaani Abuu Shiikh, sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

C/fataax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay Qaraxan in uu ku dhaawacmay Mustaf oo keliya, maadaama Qaraxa loogu xiray kursigii uu ku fadhiyay.

Waxa uu sheegay in lagu raadjoogo raggii ka dambeeyay falkan, oo Ciidanka ammaanka ay wadaan Howlgallo, isagoo sidoo kale sheegay in arrintan aysan aheyn mid la aqbali karo.

Mustaf Jeylaani Abuu Shiikh ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Muqdisho, si xaaladiisa caafimaad halkaasi loogu dabiibo.

HALKAAN KA DHAGEYSO