DEG DEG:- Musharax Goordhow Khudbadiisa ku weeraray Itoobiya iyo Kenya

0

Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya oo khudbad ka horjeedinayay xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka  ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin Itoobiya iyo Kenya.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya Dhibaatada ugu badan ay ku hayaan Itoobiya iyo sidoo kale Kenya.

Kenya iyo Itoobiya ayuu sheegay in ay guuldaradooda ay tahay Horumarka Soomaaliya ,islamarkaana hadii ay Wanaagsanaato Soomaaliya dadkooda ay usoo qaxayaan.

Khudbad jeedinta Musharaxiinta ayaa ka socota Muqdisho, waxaana Sakariye uu  noqday Musharaxii ugu horeeyay ka dib markii uu baaqday Axmed Maxamed Cabdi.