XOG:- Shir Xasaasi ah oo Nairobi uga furmaya Shariif Xasan, A/Madoobe & C.Kariim Guuleed

0

Illo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in sedax kamid ah madxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ay kulan qarsoodi ah ku leeyihiin Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kulankooda Nairobi la sheegay inay uga hadlayaan arrimaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Warar ku dhowdhow madaxda maamuladaasi ayaa sheegaya inuu shirkaasi qabanqaabiyay madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo olole ugu jira in dib loo doorto Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada ku xiran labada madaxweyne Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ayaa xilliyadii ugu danbeeyay u soo wareegay taageerada dib u doorashada Xasan Sheekh, waxaana socda olole doorasho xoog leh oo heshiiyo hoose lagula gelayo madaxda maamulada dalka.